Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa 3-da bisha labaad ee sanadkan turxaan bixin ku sameyn doono Roseline Odhiambo-Odede oo loo soo magacaabay inay noqoto guddoomiyaha guddiga qaran ee xuquuqul insaanka ee (KNCHR).
Waxaa sidoo kale isla maalinkaasi su’aallo la weydiin doonaa Marion Mutugi Wanjiku, Raymond Plal, Sang Nyeris, Sarah Talaso Bonaya iyo Dennis Nyongesa Wamalwa oo lagu wado inay xubno ka noqdaan guddigan.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan uu soo saaray karaaniga baarlamaanka Michael Sialai.
Sialai ayaa dadweynaha ku wargeliyay in warbixinadooda qiimeynta ah ay soo gudbiyaan ugu dambeyn 31-da bishan.