Aadan Barre oo ku baaqay in la dedejiyo hindise sharciyeedka wax soo saarka shidaalka iyo canshuuraha

0
369

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaaneedka Garissa Township Aadan Barre Ducaale ayaa golaha qaran ee xeer dejinta ka codsaday in la dardargeliyo ka doodista hindise sharciyeedka wax soo saarka batroolka iyo canshuuraha ee 2021-ka kaas oo looga gol leeyahay in lagu dhimo canshuurta dakhliga ee VAT, si loo yareeyo qiimaha maciishadda.
Hoggaamiyihii hore ee aqlabiyadda baarlamaanka dalka ayaa sheegay in hindise sharciyeedyada taabanaya muwaadiniinta caadiga ah ay tahay in laga hormariyo kuwa khuseeya dabaqada sare ee siyaasadda.
Ducaale ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in baarlamaanka dalka uu mudnaanta koowaad siiyo hindise sharciyeedyo keliya dani ugu jirto siyaasiyiinta balse la hilmaamay hindise sharciyeedyo lagu horumarinayo nolosha muwaadiniinta.
Waxaa uu sidoo kale xusay inay nasiib darro tahay in sharci ay dani ugu jirto nolosha qof kasta oo Kenyaan ah aan mudnaanta la siin, islamarkaana aan diiradda la saarin hindise sharciyeedka batroolka oo u soo gudbiyay guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta oo ay hoggaamiso wakiilka haweenka ee ismaamulka Homa Bay Gladys Wanga.
Aadan Barre Ducaale oo hadalkan ka jeediyay magaalada Garissa ayaa sheegay in maalinta berri uu farriin u diri doono guddoonka baarlamaanka, si xildhibaanada loogu yeero fadhi gaar ah si loo ansaxiyo sharcigan, ka dibna sida ugu dhaqsiyaha badan uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta u saxiixo.