Maxkamadda ugu sarreysa dalka oo go’aan ka soo saartay dhageysiga dacwadda BBI

0
675

Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ayaa soo saartay go’aan ku saabsan dhageysiga dacwadda racfaanka ee qorshaha sharci beddelka ee BBI.
Kiisaskan ayaa looga soo horjeedaa tallaabadii ay maxkamadda racfaanka ee wadanka bishii siddeedaad ee sanadkii hore ay dhinac iskaga dhigtay geeddisocodkan.
Bishii sagalaad ee 2021-kii ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha guud ee dalka Paul Kihara Kariuki iyo guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ay tageen maxkamadda ugu sarreysa Kenya.
Waxay labadan dhinac ku doodayaan inaysan ku qancin natiijadii ka koobnayd ilaa siddeed qodob oo ay maxkamadda racfaanka cuskatay oo ay ku hor istaagtay in wax laga beddelo xeerarka dastuuriga.
Maxkamadda ugu sarreysa wadanka ayaa sheegtay in dhinac kasta oo dood qabo ay matali doonaan labo qareen keliya.
Tani ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka cudurka COVID-19 .
Sidoo kale cid kasta oo doonaysa in kiiskeeda la dhageysto waxaa la siin doonaa 45 daqiiqo.