Lix qof oo Shiinees ah oo dalka si sharci darro uga shaqeysanayay oo lagu xiray xaafadda Imara Daima ee Nairobi

0
679

Laamaha ammaanka ee dalka ayaa xabsiga u taxaabay lix qof oo ajaanib ah oo dalka si sharci darro ah kaga shaqeysanayay.
Waxaa eedeysnaayaha laga soo qabtay xaafadda Imara Daima ee magaaladatan Nairobi.
Lixda qof oo u dhashay dalka Shiinaha oo afar ka mid ah dumar yihiin ayay da’adoodu u dhexeysa 23 ilaa 30 sano jiro.
Waaxda qaran ee adeegga booliska dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in lixda qof ay gacanta ku soo dhigeen cutubyo ka tirsan ciidamada nabad-sugidda oo kaashanaya laanta socdaalka ee dalka.
Waxaa shakhsiyadkan lagu hayaa mid ka mid ah saldhigyada booliska ee caasimadda dalka ee Nairobi.
Waxaana lagu wadaa in maxkamad la soo taago maalinka Isniinta ee 17-ka bishan.
Bayaanka waaxda qaran ee adeegga booliska dalka, waxaa qayb ka ah in ku lug yeelashada ganacsi aan loo haysan ogolaansho shaqo ay ka soo horjeeda qodobka 53-aad ee farqada koowaad iyo sida ku cad qodobka 53 ee farqada 2-aad ee sharciga jinsiyadda iyo socdaalka ee Kenya ee la ansaxiyay sanadkii 2011-kii
Booliska ayaa dhanka kale digniin adag u diray milkiilayaasha kuwaas oo looga digay inay shaqaalaysiiyaan dadka aan haysan dukumentiga lagama maarmaanka ah ee shaqada.
Waaxda qaran adeegga booliska dalka ee NPS ayaa ugu dambeyn sheegtay inay sharci darro tahay in qof ajnabi ah uu ka shaqeeyo Kenya isagoon haysan ogolaansho shaqo.