Hay’adda KCB Foundation oo 20 ismaamul ee dalka ku taageereyso dhaqaale dhan 50 milyan oo shilin

0
551

Laanta bangiga KCB u qaabilsan barnaamijyada tabarucaadda ayaa iyadoo adeegsanaysa barnaamijkeeda Mifugo Ni Mali oo micnihiisu yahay xooluhu waa hanti ayaa dhaqaale dhan 50 milyan shilin u qoondaysay 5,000 oo beeraley ah oo ku nool 20 ismaamul oo ka mid ah 47-da dowlad deegaan ay Kenya ka kooban tahay.
Bangiga KCB ayaa doonaya inuu xoojiyo wax soo saarka beeralayda iyada oo loo marayo ururrada iskaashatada beeralayda si kor loogu qaado wax soo saarkooda.
Hay’adda KCB Foundation ayaa bayaan ay soo saartay oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray idaacadda Star FM ku sheegtay in 70 iskaashatooyin oo beeralay ah sanadkan tababar la siin doono.
Laanta bangiga KCB u qaabilsan barnaamijyada tabarucaadda ayaa dhanka kale sheegtay inay hiirgelineyso wax soo saarka xoolaha oo joogta ah si beerlayda uusan u saameyn isbeddelka cimilada, kaasoo sidoo kale saameeyay wax soo saarka cuntada.
Madaxa Laanta bangiga KCB u qaabilsan barnaamijyada tabarucaadda Caroline Wanjeri ayaa xustay in la shaqaynta iskaashatooyinka ay tahay mid muhiim ah, maadaama beeralayda wax soo saarkooda ay iib geyaan si waxbarashada carruurtooda ay kor u qaadaan iyo sidoo kale qiimaha noloshooda.
Wajigii koowaad ee barnaamijka Mifugo Ni Mali ayaa waxaa uu ka socdaa 10 ismaamul oo kala ah; Laikipia, Baringo, Samburu, Taita Taveta, Narok, Kajiado, Mombasa, Kwale, Kilifi iyo Marsabit.
Sidoo kale wajiga labaad ee barnaamijka ayaa laga fulin doonaa dowlad deegaanada kala ah Isiolo, Wajeer, Tana River, Lamu, Garissa, Turkana, Galbeedka Pokot, Busia, Mandera iyo Kitui.
Barnaamijka Mifugo Ni Mali ayaa la bilaabay sanadkii 2014-kii isagoo ah barnaamij horumarineed oo la shaqeynaya ururrada wax soo saarka beeraleyda kaas oo diiradda saaraya afar shay oo qiimo leh oo kala ah, hilibka, caanaha, xoolaha iyo dhirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here