Wasiirka arrimaha gudaha oo siyaasiyiinta uga digay bartilmaameedsiga shaqaalaha dowladda

0
395

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr.Fred Matiang’I ayaa siyaasiyiinta ku boorriyay inay ka waantoobaan in saraakiisha dowladda ku dhaliilaan isku soo baxyada siyaasadeed.
Wasiirka ayaa hoosta ka xarriiqay in bartilmaameedsiga noocani ah uu yahay mid aan loo qiil dayi Karin.
Waxaa uu xusay in dhaliilahan ay niyad jab ku yihiin howlwadeenada dowladda ee aan fursad toos ah u helin inay is difaacaan.
Matiang’i ayaa ka falcelinayay hadallo ay jeediyeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta xulafada la ah madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo xilli ay ku sugnaayeen magaalada Eldoret dhaliilay guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Uasin Gishu ,Stephen Kihara.