Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ee magaalada Nairobi ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in hoggaamiyaha wadanka Hungary János Áder uu berri wadanka soo gaari doono.
Kenya ayuu ku joogi doonaa afar cisho oo booqasho rasmi ah ka dib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalka madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Mas’uulkan oo ay wehelinayso marwada koowaad ee dalka Hungary Anita Herczegh ayaa waxaa Isniinta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 17-ka bishan xarunta madaxtooyada ku qaabili doono madaxweynaha dalka iyo marwada koowaad ee Kenya Margaret Kenyatta .
Dowladaha Kenya iyo Hungary ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir laba geesood oo taariikhi ah kaasoo soo jiray tan iyo sanadkii 1964 xilligaas oo ay Hungary safaarad ka furatay magaala madaxda wadanka ee Nairobi.