Nuurdiin Xaaji oo amray in dabagal lagu sameeyo bar Facebook oo loogu magacdaray Lamu

0
903

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa soo saaray warqad uu ku dalbanaya in taliyaha guud ee ciidamada booliska wadanka Hillary Mutyambai uu baaritaano ku sameeyo shakhsiyaadka qoraallada ku soo daabaco barta Facebook-ga ee “Lamu County Politics Unlimited Group” .
Waxaa uu sheegay in halkaasi la soo dhigay xog laga dheehan karo kicin dadweyne, xaqiraad , naceyb, cadowtinnimo , rabshad ama takoor lagu bartilmaameedsanaya qowmiyad gaar ah.
Warqadda Nuurdiin Xaaji ayaa sidoo kale nuqul ka mid ah waxaa la gaarsiiyay guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee (NCIC) Samuel Kobia.
Waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa sheegtay in magacyada akoonkaasi lagu isticmaalo ay ka mid yihiin Catherine Dylan, Cyte Nimz Maina, Muthoni Martha, Lucy Peter, Anthony Mambo, Njeri E. Mwaniki, Frank Mwangi, Josh Mhumble, Alphaken Madiba, Paul Keta Sikujua, David Brighton iyo Ndirangu Kenn .
Waxaa uu doonaya in warbixin hor dhac ah la siiyo 14 cisho ka dib iyadoo galka baaritaanka lagu wareejinaya hal bil gudaheeda.