Saddex qof oo lagu soo oogay dacwad ah inay isbitaalka Aga Khan ka iibinayeen maskaro been abuur ah

0
745

Dhakhtar iyo laba ganacsata ah ayaa lagu soo oogay dacwad ah inay isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi ka iibiyeen 20,000 oo maskarada afka iyo sanka lagu xirto oo been abuur ah.
Maskarada been abuurka ah ayaa qiimaheeda ku kaceysay 11 milyan oo shilin.
Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay iibiyen maskarada leh astaanta 3M iyagoo aanan fasax haysan.
Garsooraha maxakamadda Milimani Esther Kimilu ayaa dhageystay in alaabta ay ahayd mid been abuur ah.
Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaabaa Dr. Kimani Muthami, Mr William Muthee Iyo Sylvia Wambui ayaa beeniyay ilaa toddobo dacwadood oo ay ka mid yihiin iibinta alaab been abuur ah, shirqoolka ah inay iibiyaan iyo in ay caawiyeen sii iibinta alaabta.
Dr.Muthami ayaa ah agaasimaha shirkadda Johngray Communications Ltd, Mr Muthee ayaa asna ah agasimaha Davetronics Company Ltd, iyo Ms Wambui oo Iyana la shaqeysa Real Time Company.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here