Hoggaamiyaha ANC oo sheegay inuusan ka walaacsanayn go’aan ay qaateen xubno ka tirsanaa xisbigiisa

0
293

Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in uusan ka walaacsanayn go’aanka ay qaateen qaar ka mid ah xubnaha xisbigiisa ee u wareegay xisbiyada kale ee siyaasadeed ee dalka.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii Penina Mukabane, oo ah haweeney dooneysa inay isu soo sharraxdo xilka wakiilka dumarka ee ismaamulka Kakamega ay u wareegtay xisbiga la la xiriirinaya ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ee UDA.
Sidoo kale bishii hore, xubno ka mid ah kuwa ugu caansanaa xisbiga ANC oo ay ka mid yihiin xildhibaanka deegeenka Matungu Peter Nabulindo iyo dhigiisa deegaan baarlamaaneedka Lugari Ayuub Savula ay ku biirin xisbiga ODM ee u hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Hoggaamiyaha xisbiga ANC Musalia Mudavadi ayaa sheegay in xubnaha xisbigiisa ay xor u yihiin inay ku biiraan xero kasta oo siyaasadeed oo ay ka arkayaan danahooda gaarka ah.
Waxaa uu xusay inaysan jirin wax cabsi ah oo ku saabsan kala qaybsanaanta ka dhex jirta xisbiga ANC.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka hore ee dalka oo la hadlay wargeyska maxalliga ee Nation ayaa sheegay in xubin kasto oo xisbiga ANC ka tirsan uu xor u yahay inuu la hadlo isbeheysi walbo oo siyaasadeed taasoo uu tilmaamay inay tahay xuquuqdiisa dimuqraadiyadeed.
Mudavadi ayaa sheegay in sumcada xisbigiisa ay weli taagan tahay, inkasto xubno ka tirsan xisbigiisa ay la midoobeen ku xigeenka madaxeynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga.
“Waxaa wanaagsan inaad haysato shakhsiyaad dhowr oo xisbiga daacad uu ah, halkii aad haysan lahayd in ka badan 1,000 saaxiibayaal kuwaas oo dhabarka ka tooganaya , islamarkaana iska dhigaya inay daacad yihiin” ayuu yiri hoggaamiyaha ANC.
Hadalka Musalia Muvadi ayaa kusoo aadaya, iyadoo la qorsheynayaa inuu 23-ka bishan xarunta Bomas ee magaalada Nairobi ay kulan ku yeeshaan xubnaha xisbiga ANC kaasoo shaaca looga qaadi doono cidda ku matalaysa loolanka madaxtinimo ee bisha siddeedaad.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here