3 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Kitui

0
247

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Kitui ee bariga dalka ayaa sheegaya in saddex qof ay dhinteen halka labo kalena ay dhaawacmeen ka dib shil saaka ka dhacay dowlad deegaankaasi.
Shilka ayaa u dhexeeyay baabuur yar iyo mid ka mid ah gawaarida xamuulka.
Goobjoogayaal ayaa laga soo xigtay in baabuur si gaar ah loo leeyahay iyo loori ay isku dhaceen xilli ay marayeen degmada Katangini ee galbeedka Kitui .
Labo qof oo shilkaasi ku dhaawacmay ayaa hadda lagu daweeynayaa isbitaalka wayn ee Kitui halka meydadkana la dhigay goobta meydadka lagu keydiyo ee xaruntaasi caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here