Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Waaxda DCI oo baaraysa 5 ka mid ah shaqaalaha shirkadda korontada dalka

Waaxda DCI oo baaraysa 5 ka mid ah shaqaalaha shirkadda korontada dalka

Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa sheegtay inay baaritaano ku hayso 5 ka mid ah saraakiisha sare ee shirkadda korontada dalka ee Kenya Power.
Howlwadeenadan ayaa lagu eedeynayaa inay mas’uul ka ahaayeen cilladii dhanka adeegga korontada ee guud ahaan wadanka saameysay horraantii toddobaadkan.
Agaasimaha waaxda dambi baarista ,George Kinoti ayaa laga soo xigtay in saraakiishan ay yihiin kuwa qaabilsan ilaalinta khadadka korontada u qaybiyo wadanka sidoo kalena ku xiriiriyo keydka qaran.
Shirkadda Kenya Power ayaa cilladdii dhacday Talaadadii u aaneysay inay soo dumeen ilaa afar ka mid ah haamaha korontada ee Embakasi .
Tani ayaa imaanaysa iyadoo baaritaannada hor dhaca ah ay muujinayaan in cillad la gaarsiiyay marinnada korontada ee haamaha xaafadda Embakasi ee magaalada Nairobi taasoo sababtay in adeegga korontada uu saacado ka maqnaado dalka oo dhan in kastoo ugu dambeyn dib loo soo celiyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments