Lamu oo laga helay labo meyd

0
544

Waxaa lagu soo warramayaa in keyn ku taalla degmada Hindi ee ismaamulka Lamu gobolka xeebta laga helay labo meyd oo la rumeysan yahay inay ka mid yihiin dad ay dhawaan dileen kooxo looga shakiyay Al-Shabaab.
Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in shakhsiyaadkan ay yihiin kuwo siddeed cisho ka hor laga afduubtay aagga Kibokoni ka dibna la arkay meydadkooda.
Dhacdooyin is-xigxigay oo amni darro ayaa keenay in dowladdu ay halkaasi ka billowdo howlgal amni oo ballaaran.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in falalkan ay saameeyeen waxbarashada iyadoo dugsiyo dhowr ah la xiray.
7-dii bishan ayay ahayd markii afar sarkaal oo boolis ah lagu dilay aagga Milihoi ee Lamu.
Saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa gudaha Lamu weerarro ka dhacay ku nafwaayay in ka badan 10 qof sida laga soo xigtay laamaha ammaanka.
Dhawaan ayay ahayd markii uu xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho sheegay in howlgallada ay soconayaan ilaa iyo inta laga cirib tirayo kooxaha fuliya weerarrada ka dibna la sheego inay ku dhuumaaleystaan keynta ismaamulkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here