Waxaa lagu soo warramayaa inuu laamaha ammaanka isku soo dhiibay Robert Gathogo Ngunjiri oo isugu yeera Cabduraxmaan Hija Mnubi oo 27 sano jir ah.
Waxaa uu ka mid yahay siddeed qof oo ay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ay galinkii dambe ee shalay soo saartay magacyadooda iyo sawiradooda .
DCI oo sheegtay in siddeedda qof lagu tuhunsan yahay ka mid ahaanshaha kooxaha argagixisada ayaa dadweynaha ugu baaqday in cidii xog ka haysa ay soo gudbiso.
Hasa ahaate Robert Gathogo oo ku nool xaafadda Baraka estate ee tuulada Kamakwa, ismaamulka Nyeri ayaa shalay gacanta lagu dhigay ka dib markii uu isa soo dhiibay.
Ngunjiri ayay laamaha ammaanku sheegeen inuu ka mid yahay koox burcad oo dhibaateysa dadweynaha Nyeri.
Hasa ahaate waxaa uu sheegaya inuusan ku lug lahayn falal dambiyeedyada iyo argagixisannimada lagu tuhmayo.
Eedeysanaha ayaa hadda ku jiro saldhigga waxaana socdo baaritaano dheeraad oo ka dhan ah.
Qofkan oo horay loogu helay dembi ah inuu dhac gaystay isagoo awood adeegsanaya ayay maxkamaddu ku xukuntay dil hasa ahaate go’aankaasi ayaa dib loo eegay.
Waxaa uu ku xirnaa xabsiga way nee King’ong’o ee Nyeri ka hor inta aan la siidayn bishii koowaad ee sanadkii 2019-kii ka dib racfaan uu qaatay.