Senatka dalka Faransiiska oo meel mariyay sharci wax laga beddelay talaalka COVID-19

0
257

Senate-ka dalka Faransiiska ayaa meel mariyaay sharci dhigaya in Shacabka ku nool dalkaasi looga baahanaan doonaa inay heystaan cadeeyn muujineyso xaladooda talaalka cudurka COVID 19 si ay u galaan maqaayadaha,baararka, goobaha dhaqanka, ama u adeegsaadaan gaadiidka dadweynaha ee gobollada dalkaasi uu kala goosha.
Arrintaan ayaa timid kadib markii senate-ka dalkaas ayaa ansixiyeen tillaabooyin cusub oo wax looga qabanayo cudurka coronavirus.
Sida ay sheegtay hay’ada Caafimaadka Adduunka ee WHO Kiisaska caalamka ee COVID-19 ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay usbuucii hore. iyadoo 15 milyan oo qof laga helay cudurka toddobadii maalmood ee la soo dhaafay.
Agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa Dhawan sheegay in uu jiro sare u kac cudurka la xariira ee nooca cusub ee Omicron.
Dhanka kale waraarka ayaa intaa ku daraaya in Kala bar iskuulada Faransiiska la xir karo maanta iyadoo ilaa afar-meelood saddex meel macalimiintii aysan iskulada ku sugneen.
Dawladaha calamka ayaa ansixiyaay tillaabooyin cusub oo laagula dagalamaayo faafitaanka degdegga ah ee kiisaska COVID-19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here