Iskuduwayaasha gobollada wadanka oo isku shaandheyn lagu sameeyay

0
400

Wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka ayaa isku shaandheyn ku sameysay madaxda dowladda dhexe ku matalo gobollada wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii uu shalay is casilay iskuduwihii ammaanka ee gobolka Rift Valley George Natembeya si uu ugu tartamo xilka barasaabka ismaamulka Trans Nzoia bisha siddeedaad ee sanadkan.
Isbeddellada oo uu shaaciyay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Dr. Karanja Kibicho ayaa lagu dallacsiiyay guddoomiyihii dowladda dhexe u qaabilsanaa Makueni Maxamad Macallin.
Mr.Macallin ayaa hadda loo magacaabay iskuduwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley.
William Kangethe Thuku oo labo toddobaad ka hor loo magacaabay xoghayaha maamulka sare ee waaxda asluubta dalka ayaa laga dhigay iskuduwaha ammaanka ee Nairobi.
Isku shaandheyntan ayaa sidoo kale saameysay gobollada galbeedka , bariga , bartamaha iyo waqooyi bari .
Isaiah Nakoru oo dowladda dhexe ku matalayay bariga ayaa loo wareejiyay dhanka galbeed waxaana beddelaya guddoomiyihii amniga ee ismaamulka Narok ,Evans Achoki oo la dallacsiiyay.
Esther Maina oo ahayd iskuduwaha ammaanka ee gobolka galbeedka Kenya ayaa loo wareejiyay bartamaha dalka halka James Kianda oo dowladda dhexe u qaabilsanaa Nairobi la geeyay gobolka waqooyi bari.
Sidoo kale iskuduwaha ammaanka ee waqooyi bari Nicodemus Ndalana iyo dhigiisa gobolka bartamaha Wilfred Nyangwanga ayaa labaduba looga yeeray xarunta dhexe ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Harambee House.
Dr. Karanja Kibicho , xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha oo isbeddelladan shaaciyay ayaa sheegay inay dhaqangelayaan sida ugu dhakhsiyaha badan.
In kastoo George Natembeya uu shaaciyay inuu is casilay haddana waxaa looga yeeray magaalada Nairobi ka hor inta uunan si rasmi ah shaqada uga fariisan.
Isku shaandheyntan ayaa imaanaysa iyadoo ay isa soo tarayaan baaqyo ku aaddan howlgallada amni ee laga fuliyo gobollada ka hor codeynta guud ee sanadkan.
Iskuduwayaasha dowladda dhexe ku matalo gobollada ayaa guddoomiya shirarka amniga iyo arrimaha kale ee la xiriira maamulka qaran.
Waaxda maamulka qaran ayaa hoos tagta wasaaradda arrimaha gudaha ee wadanka waxaana ka howlgalo ugu yaraan 12,575 saraakiil dowladeed ah oo ay ugu hooseeyaan 8,145 oo ah ku xigeenada guddoomiye xaafadeedyada wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here