Qaar ka mid ah wakiillada Baringo oo gudbiyay dacwad la xiriirta BBI

0
470

Maxkamadda sare ee deegaanka Kabarnet ayaa loo bandhigay kiis looga soo horjeedo go’aankii ay wakiillada golaha hoose ee ismaamulka Baringo ku diideen ansaxinta hindisaha sharci beddelka ee BBI.
Waxaa dacwaddan maxkamadda geeyay saddex ka mid ah wakiillada dowlad deegaankaas.
Siyaasiyiintan ayaa doonaya in guddoomiyaha golaha hoose ee Baringo David Kerich laga hor istaago inuu qalinka ku duugo go’aanka ay xubnaha daaqadda kaga tureen qorsha ku aaddan wax ka beddelka dastuurka dalka.
Qareenka u doodaya wakiilladan Gordon Ogola, ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan qaabkii lagu diiday ansaxinta hindisaha BBI.
9- kii bishan ayay ahayd markii in ka badan 30 ka mid ah wakiillada golaha hoose ee Baringo ay dhinac iskaga dhigeen hannaanka BBI iyadoo halkaasi ay rabshad ka dhacday.