DHAGEYSO:Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in la xoojiyo nabadgalyada wadanka

0
594

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta oo shalay socdaal ku tagay gobolka Nyanza ayaa sheegay in iyadoo loo diyaar garoobayo doorashada guud ee bisha siddeedaad ay lagama maarmaan tahay in la xoojiyo midnimada iyo wadajirka shacabka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in la doonayo ka hor tagga waxyaabaha saameynta ku yeelan karo xasiloonida guud.
Mr. Kenyatta ayaa soo hadal qaaday heshiiskii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii ay yeesheen isaga iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ujeedadii laga lahaa is-afgaradkaasi ay ahayd isku keenidda muwaadiniinta dalka.

Hoggaamiyaha dalka ayaa halkaasi u tagay inuu kormeer ku sameeyo dhismaha marinka xiriiriyo deegaanka Mbita iyo jasiiradda Rusinga.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in madaxweynaha dalka uu sidoo kale socdaal aan la sii shaacin ku tagay ismaamulka Kisumu isagoo kormeeray dhismaha marinka maraakiibta ee MV Uhuru 2 oo uu dhisay militariga.
Waxaa hoggaamiyaha wadanka socdaalkiisa ku wehelinayay taliyaha ciidamada difaaca Kenya, Robert Kibochi.