Waaxda dambi baarista oo shaacisay magacyada 8 qof oo lagu tuhmayo argagixisannimo

0
797

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa maanta soo saartay magacyada  iyo sawirrada  8 qof oo ay sheegtay in looga shakisan yahay ka mid ahaanshaha kooxaha argagixisada.

Qoraalka  waaxda waxaa  ku xusan in shakhsiyaadkan oo hubeysan ay halis  yihiin.

DCI ayaa dadweynaha ka codsatay   inay soo gudbiyaan macluumaadka fududeyn karo in tuhmanayaasha  gacanta lagu soo dhigo.

Shakhsiyaadkan ayay  waaxdu sheegtay inay suurtagal tahay in loo soo diray sidii ay  dhibaatooyin uga gaysan lahaayeen gudaha wadanka.

Siddeedda qof  ee ay waaxdu raadinayso  ayaa kala ah Maxamad Cali Xuseen , Axmad Cali Maxamad ,Cabdiraxmaan Hija  oo loo yaqaano Mnubi, Erick Njoroge Wachira ,Cabdiqaadir Maxamad oo loo yaqaano  Ikrima, Peter Guchungu Njoroge oo isugu yeero Mustafa,Maxamuud Cabdi Aadan iyo Qaasim Musa Mwarusi oo  loo yaqaano Abu Miki.

DCI ayaa sheegaysa in  Maxamad Cali Xuseen  iyo Axmad   Cali Maxamad  ay ka dambeeyeen weerar  fashilmay oo ay Al-Shabaab  fulisay sanadkii 2018-kii.

Waaxda dambi baarista ayaa laga soo xigtay in Cabdiraxmaan Hija iyo Erick Njoroge Wachira ay ka mid ahaayeen  burcad  dhibaateyn jirtay  shacabka ismaamulka Nyeri waxayna  dagaalyahaanada ku biireen sanadkii 2016-kii  ka dib tababarro ay qaateen.

Cabdiqaadir Maxamad ayaa isna lala xiriirinayaa maleeshiyaadka Al-Qaacidda ee dalka Yemen.

Laamaha ammaanka ee wadanka ayaa sheegaya  inuu ka dambeeyay qorshihii  lagu weeraray  dhismaha Dusit ee Nairobi iyo qaraxyadii sanadkii 2010-kii ka dhacay caasimadda dalka Uganda ee Kampala.

Maxamuud Cabdi Aadan ayaa isna  lala xiriiriyay qorsheyntii weerarkii Dusit ee  bishii koowaad ee sanadkii 2019-kii.

Peter Gichungu oo horay  arday uga ahaa  jaamacadda JKUAT ayaa isna lagu xiray Mandera  xilli uu doonayay inuu u gudbo Soomaaliya si uu ugu biiro Al-shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dacwad lagu soo oogay  oo labo sano ka hor xabsiga laga siidaayay hasa ahaate waxaa uu dib ugu noqday Soomaaliya.

Qaasim Muusa Mwarusi ayaa lagu tuhunsan yahay inuu  xagjireeyo dhallinyarada  deegaanada Likoni, Diani iyo Ukunda ee gobolka xeebta isagoo la sheegay inuu xiriir la leeyahay kooxo burcad oo dhowr ah kuwaasoo  deegaanadan weeraro ka gaystay.