Ka dib markii xubno ka socdo hay’adda lacagaha adduunka ee IMF ay wadanka yimaadeen ayaa lagu heshiiyay in Kenya la siiyo amaah lacageed oo dhan 262 .7 bilyan oo shilin.
Deyntan oo u dhiganta 2.4 bilyan oo doolar ayay dowladda dalka ku heli doontaa muddo saddex sano ah.
Dhaqaalahan ayaa loogu talagalay la tacaalidda cudurka COVID-19.
Saraakiisha matalaya hay’adda IMF ayaa la kulmay wasiirka maaliyadda
Ukur Yatani, madaxa bangiga dhexe ee (CBK) Patrick Njoroge, madaxa waaxda adeegga dadweynaha ee dalka Joseph Kinyua iyo mas’uuliyiin kale.