Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la Kulmay guddiyada farsamada ee Baydhabo ku shirsan

0
535

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa kulan la qaatay Guddiga Farsamo ee Qaban-qaabada Shirweynaha Wadatashiga Qaran, ee shirku uga socdo magaalada Baydhabo.
Xubnaha Guddiyada oo ka kooban 14 xubnood oo ka kala socda dowladda Federalka, maamul goboleedyada & Gobolka Banaadir & Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka wada hadlay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo sida uu shirku u socdo.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ahna Wasiirka wasaarada Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in Madaxweynaha uu xubnaha guddiga uga warbixiyay shirarkii doorashooyinka oo horay u qabsoomay, isla markaan uu kula dardaarmay inay ku dadaalaan wadada xalka loogu heli karo doorashooyinka Soomaaliya ee la isk mari la yahay.
Xubnaha guddiga ayaa Maanta la filayaa inay sii wataan shirkooda, isla markaana ay kasoo saaraan qodobo ay ku heshiiyeen, si loogu gudbiyo Madaxda dowladda dhexe & Maamul goboleedyada.
Guddoomiyaha Guddiga Farsamada ee shikru Baydhabo uga socda, ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in maalintii 1-aad horumar laga gaaray shirka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ku rajo weyn yihiin in isu imaatinkan uu ibo-fur u noqdo is afgarad wanaagsan oo laga gaaro dhamaystirka qodobadii la isku haayay ee Shirarkii Magaalada Dhuusamareeb ka dhacay.