Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley oo iscasilay

Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley oo iscasilay

Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa maanta iska casilay xilkii uu hayay.
Shir jaraa’id oo uu qabtay maanta ayuu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uga mahadceliyay wada shaqeyntii wanaagsaneyd uu u fidiyay intii uu xilka hayay.
George Natembeya ayaa xilka uu maanta iska casilay hayay muddo laba sano iyo bar.
Waxaa uu sidoo kale u mahadceliyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Fred Matiang’i, xoghayaha joogtada ee wasaaraddan Dr. Karanja Kibicho, abaanduulaha guud ee booliska dalka Mr. Hillary Mutyambai iyo agaasimaha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da George Kinoti.
Iska casilaadda iskuduwha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayuu kusoo aadeyso ka dib markii maanta uu si rasmi ah u shaaciyay inuu u tartamayo kursiga barasaabka ismaamulka Trans Nzoia ee doorashada guud bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Waxaa uu kalasooni ka muujiyay in waayo aragnimadiisa ay siin doonto gacanta sare ee dhanka siyaasadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments