Dowladda oo dadweynaha ugu baaqday qaadashada tallaalka COVID-19

0
635

Afhayeenka dowladda dhexe Cyrus Oguna iyo wasaaradda caafimaadka ayaa si wadajir ah shacabka ugu boorriyay inay qaataan dawooyinka tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Oguna ayaa qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay in tallaalka uu kaalin wayn ka qaadan karo in qofka uu ka badbaado halista caabuqa corona.
Sidoo kale waxaa uu xusay in dawooyinka tallaalka ee hadda laga helo gudaha wadanka ay ka hor tag u noqon karaan xanuunno halis ah , in qofka isbitaal la dhigo ama uu cudurka u geeriyoodo.
Afhayeenka dowladda dhexe ayaa tilmaamay inay jirto caddeyn muujinaysa inay aad u ya rtahay suurtagalnimada la xiriirta in qof qaatay tallaalka uu caabuqa u gudbiyo shakhsi kale.
Wasaaradda caafimaadka ayaa dhankeeda sheegtay in dawooyinka tallaalka ee COVID-19 si lacag la’aan ah looga bixiyo dhammaan xarumaha dowladda ee la ansaxiyay.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here