Bulshada soomaaliyeed ee ku nool ismaamulka Meru ayaa cabasho ka muujinaya dhibaatooyin ay sheegeen inay wajahayaan oo ay barasaabka dowlad deegaanka Meru Kiraitu Murungi ku eedeynayaan inuu sabab u yahay .
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii 8 qof lagu dilay ismaamulka Meru.
Dhacdadaasi ayaa keentay in guddoomiyaha Meru uu ku baaqo in halkaasi laga soo saaro geel ay soomaalidu dhaqato.
Hasa ahaate waxgaradka ayaa sheegaya inuusan jirin ismaamul kale oo ay geelooda gaysan karaan maadaama ay intooda badan dowlad deegaankaasi ku dhasheen sanado badanna ay ku noolaayeen.
Waxay sidoo kale dalbanayaan in bulshada soomaalida ee Meru qayb laga siiyo xilalka guddoomiye xaafadeedyada si looga hor tago iskudhacyada xoolo dhaqatada iyo beeralayda