Eedeysanayaal afduub ka gaystay Githurai oo la xiray

0
417

Waaxda dambi baarsita dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay saddex qof oo loo haysto inay ka dambeeyeen afduub ka dhacay xaafadda Githurai.
Shakhsiyaadkan ayaa nin 23 sano jir ah kaxeystay iyagoo qoyskiisa ka dalbaday lacag madax furasho oo dhan 300,000 oo shilin.
Magacyada tuhmanayaasha ayaa lagu kala sheegay Dickson Mwendwa, Robert Kioko iyo Philip Kilonzi oo ay da’doodu u dhexeyso 23 ilaa 28 sano.
Wararka ayaa intaasi ku daraya inay la haystaha ku qasbeen inuu la xiriiro qoyskiisa iyagoo ugu hanjabay in haddii lacagta ay dalbadeen aan la bixin uu dhibaatooyin la kulmi doono.
DCI-da ayaa xustay in aabbaha dhibbanaha uu dhacdadan ku wargeliyay laamaha ammaanka taasoo horseedday in dabagal lagu sameeyo ugu dambeyna la soo qabto eedeysanayaasha.
Saddexda qof oo hadda ku jiro gacanta booliska ayaa shakhsiga ay afduubteen ka dhaawacay dhanka wajiga in kastoo la soo badbaadiyay.
Saraakiisha ayaa wado baaritaano dheeraad ah ka hor inta tuhmanayaasha aan maxkamadda la soo taagin si dacwad loogu soo oogo.