Dadweynaha oo laga qayb gelinaya hindisaha isbeddellada siyaasadeed ee dalka

0
339

Guddiga aqalka sare ee dalka u qaabilsan cadaaladda , arrimaha sharciga iyo xuquuqul aadanaha ayaa muddo 14 cisho ah qaban doono barnaamijyo uu shacabka uga qayb gelinaya hindisaha la xiriira isbeddellada lagu sameeyay xeerarka xisbiyada siyaasadeed ee wadanka.
Tani ayaa timid ka dib markii nidaamkan oo uu toddobaadkii hore ansaxiyay baarlamaanka, shalay la hor dhigay senatarrada.
Hoggaamiyaha siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee aqalka sare ahna senatarka ismaamulka Siaya James Orengo ayaa ballanqaaday in ka hor inta aynan senatarrada u codeyn qodobbada hindisaha ay si qoto dheer uga doodi doonaan.
Guddoomiyaha aqalka sare Ken Lusaka ayaa dhankiisa xusay inay raaci doonaan geeddisocodka habboon ee ku aaddan ansaxinta ama inay dhinac iskaga dhigaan xeerarka loo soo gudbiyay.
Guddiga arrimaha sharciga iyo cadaaladda ee uu hoggaamiyo senatarka ismaamulka Nyamira Okong’o Mogeni ayaa laga sugayaa inuu 25-ka bishan golaha senate-ka warbixin u soo gudbiyo ka dib marka uu soo uruuriyo aragtida kenyaanka.