Maamulka duulimaadyada rayidka ee dalka Shiinaha ee (CAAC) ayaa lagu soo warramayaa inuu joojiyay in ka badan 60 duulimaad oo toddobaadyada soo socdo lagu waday inay ka yimaadaan dhanka Maraykanka.
Tani ayaa timid ka dib markii rakaab halkaasi ka soo safray laga helay cudurka COVID-19.
Tallaabadan ayaa sidoo kale loo aaneeyay kororka xaaladaha faraca cusub ee coroba ee Omicron.




