Senetarka ismaamulka Meru oo damiin lacageed lagu sii daayay

0
337

Senatarka ismaamulka Meru Mithika Linturi ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamad ku taalla dowlad deegaanka Nakuru.
Mr. Linturi ayaa lagu soo oogay dacwad ah inuu jeediyay hadal la qoonsaday in kastoo uu iska fogeeyay eedeymaha ka dhanka ah.
Waxaa maanta lagu sii daayay damiin lacageed oo dhan 2 milyan oo shilinka dalka ah ama damaanad dhan 5 milyan oo shilin.
Maxkamadda ayaa diidday codsi ay dacwad oogayaasha ku doonayeen in xabsiga muddo toddobaad lagu sii hayo senetarka Meru inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada.
Mr. Linturi ayaa lagu amray in uusan la xiriirin markhaatiyaasha, iyadoo baarayaashu ay ku howlan yihiin soo afjaridda kiiska ku saabsan hadalladii uu Sabtidii senetarka ismaamulka Meru ka jeediyay magaalada Eldoret intii lagu guda jiray isu soo bax siyaasadeed oo uu ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ku qabtay halkaasi.
Waxaa sidoo kale Linturi looga baahan yahay inuu iska xaadiriyo agaasinka waaxda dambi baarista ee DCI-da toddobaadkiiba mar.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji amar ku siiyay abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai inuu guda galo baaritaano ka dhan ah senatarka si loo xaqiijiyo in hadalkiisa uu ku saleysnaa xaqiraad, naceyb, cadowtinnimo , takoor iyo rabshad kicin.
Subaxnimadii Axadda ayay ahayd markii senetarka Meru laga soo qabtay maqaaxi ku taalla magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasin Gishu.
Hadalka Mithika Linturi waxaa siyaabo kala duwan uga hadlay madaxda siyaasadeed .
Shakhsiyaadka dhaliilay waxaa ka mid ah madaxa xisbiga ODM Raila Odinga iyo dhigiisa Wiper Kalonzo Musyoka.
Qaar ka mid ah xulafada siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa difaacay Linturi waxayna ku andacoonayaan in si khalad ah loo fasiray hadalkiisa sidaas awgeeedna xariggiisa uu yahay mid siyaasadeysan.
Hasa ahaate madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa xusay in senatarka uu adeegsaday luuqad laga habboon yahay isagoo xulafadiisa uga digay inay ka digtoonaadaan jeedinta hadallada horseedi karo dhibaatooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here