Kenya oo hakisay duulimaadyada Imaaraadka

0
843

Dowladda Kenya ayaa soo saartay amar ay muddo toddobo cisho ah ku hakinayso duulimaadyada ka yimaada dhanka dalka isu tagga imaaraadka carabta ee UAE-da.
Tani ayaa saameynaysa rakaabka iyo xamuulka ku meel gaarka ah sida uu xaqiijiyay agaasimaha guud ee maamulka duulimaadyada rayidka ee (KCAA) Gilbert Kibe.
Mas’uulkan ayaa sheegay in amarkan uu dhaqan galay xalay waxaana looga jawaabayaa mid la mid ah oo 20-kii bishii 12-aad ee sanadkii hore ay soo saartay dowladda Imaaraadka.
Xilligaasi ayuu maamulka UAE-da mamnuucay duulimaadyada uga yimaada dhanka Kenya.
Gilbert Kibe ayaa xusay inay jiraan wada hadallo arrinkan ku aaddan balse dowladdu ay go’aansatay inay qaaddo tallaabo falcelin ah oo u dhiganta midii dowladda dalkaasi oo loo aaneeyay shahaadooyin lagu tilmaamay been abuur maadaama qaar ka mid ah shakhsiyaadkii gudaha Kenya looga waayay cudurka COVID-19 baaritaano dheeraad ah ka dib wadankaasi looga helay.