Madaxweynaha Mexico oo markii labaad uu ku dhacay COVID-19

0
644

Madaxweynaha dalka Mexico Andres Manuel Lopez ayaa shaaciyay in markii labaad uu haleelay cudurka COVID-19.
Qoraal uu soo dhigay barta Twitter-ka ayuu hoggaamiyaha wadankaasi ku sheegay inuu isku arkay astaamo aan ahayn kuwo daran hasa ahaate uu meel gaar ah isku gooni yeeli doono.
Madaxweynaha ayaa xusay in inta uu ka caafimaadaya uu waajibaadkiisa shaqo gudan doono isagoo adeegsanaya qaabka fogaan aragga ee lagu wada xiriiro.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee Mexico Adan Augusto Lopez ayaa madaxweynaha ku matali doono shirarka jaraaiid ee uu qaban jiray galinka hore iyo munaasabadaha kale ee dadweynaha.