Ruto oo siyaasiyiinta UDA uga digay inay ka fiirsadaan hadallada ay jeedinayaan

0
601

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa uga digay siyaasiyiinta xisbigiisa United Democratic Movement (UDA) in ay hadalladooda ka fiirsadaan marka ay shacabka la hadlayaan.
Hadalka ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa kusoo aadaya ka dib markii senetarka ismaamulka Meru Mithika Linturi xabsiga loo taxaabay.
Senetarka ayaa hadal laga dhehan karo kala qaybsanaan dhawaan ka jeediyay magaalada Eldoret ee ismaamulka Uasian Gishu.
Dr. Ruto ayaa carrabka ku dhuftay in xisbiga UDA uu marnaba u dulqaadan doonin hadallada ay u badan tahay inay sababi karaan kala qaybsanaan qowmiyadeed iyo kicin dadweyne.
Waxaa uu sheegay in siyaasiyiinta xisbiga UDA uu ka doonaya inay ka firsadaan luuqadaha ay adeegsadaan si loo mideeyo shacabka.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa sheegay in hadalkii uu u jeediyay senetarka dowlad deegaanka Meru Mithika Linturi uu mar hore si shuruud la’aan ah raaligelin uga bixiyay, ka hor inta aysan laamaha ammaanka xirin.
Hadalka senetarka Meru ayaa loo arkay inuu ku bartilmaameedsanayay shakhsiyaadka aan taageersanayn musharraxnimada madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Senetarka Meru ayaa xusay in hadalkiisa si khalad ah loo fasiray maadaama sida uu ku andacoonayo uu ula jeeday in codbixiyeyaasha ismaamulka Uasin Gishu aynan codadkooda siin musharraxiinta ka soo horjeeda William Ruto.
Mithika Linturi ayaa tilmaamay in markii uu arrintan ka hadlayay aynan marnaba ku soo dhicin in loo qaadan karo hurin colaadeed sidaas awgeedna uu saameyn kasta oo ka dhalatay uu si shuruud la’aan ah uga qoomamoonayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here