DHAGEYSO:Raila Odinga oo cambaareeyay hadal uu jeediyay senatarka Meru

0
619

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa xilli uu shalay ku sugnaa ismaamulka Kiambu ee gobolka bartamaha dalka waxaa uu cambaareeyay hadal uu maalmo ka hor jeediyay senatarka dowlad deegaanka Meru Mithika Linturi.
Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa hadalka senatarka ku lagu tilmaamay mid naceyb ku saleysan oo horseedi karo kicin dadweyne in kastoo Linturi uu xusay in si khaldan loo fasiray sidaas awgeedna uu raaligelin ka bixinaya.
Mr. Odinga ayaa hoosta ka xarriiqay in aan marnaba loo dulqaadan karin hadallada abuuri karo rabshad wax u dhinta xasiloonida wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo kenyaan ah uu xaq dastuuri ah u leeyahay inuu gudaha wadanka ka dego oo uu ku noolaado meesha uu doonayo.

Hadalka senatarka Meru waxaa sidoo kale cambaareeyay dhigiisa Nairobi Johnson Sakaja, madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, barasaabkii hore ee Kiambu William Kabogo iyo xoghayaha guud ee daladda ururrada shaqaalaha ee COTU Francis Atwoli.