Ku dhawaad 200 oo qof oo lagu dilay Nigeria

0
430

Waxaa lagu soo warramaya in qiyaastii 200 oo ruux ay burcad hubeysan ku dishay waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria.
Tani ayaa timid ka dib markii weerarro laga gaystay gobolka Zamfara iyadoo toddobaadkii hore ciidamada militariga ay duqeeyeen goobo ay burcaddu ku dhuumaalaysato.
Afhayeen u hadlay wasiirka arrimaha baniaadanimada ee Nigeria oo lagu magacaabo Sadiya Cumar Faaruuq ayaa sheegay in ugu yaraan 200 oo qof oo la dilay la aasay.
Madaxweynaha dalkaasi Muxammadu Buhari ayaa dhankiisa wacad ku maray in howlgallada militari ee ka dhanka ah burcadda loo fulinayo si arxaan darro ah.