Waxaa gacanta lagu dhigay senatarka ismaamulka Meru Mithika Linturi oo loo haysto hadal la qoonsaday oo uu shalay ka jeediyay magaalada Eldoret.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya ayaa xaqiijiyay in Linturi saaka laga qabtay maqaaxi ku taalla Eldoret.
Waxaa uu intaasi ku daray in senatarka loo soo qaadayo ismaamulka Nakuru si uu u qoro farriin ku aaddan eedeynta loo jeediyay ee ah inuu sameeyay kicin dadweyne.
Xarigga senatarka Meru ayaa sidoo kale ku soo beegmaya iyadoo looga yeeray xarunta guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC si baaritaano loogu sameeyay hadalkiisa.
Hadalka muranka dhaliyay ee ka soo yeeray senatarka Meru ayaa ahaa sidatan
Dhanka kale Mithika Linturi ayay wararku sheegayaan inuu si cad raali gelin uga bixiyay arrintii uu shalay sheegay oo loo arkay inuu ku bartilmaameedsanayay shakhsiyaadka aan taageersanayn musharraxnimada madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa uu xusay in hadalkiisa si khalad ah loo fasiray maadaama sida uu ku andacoonayo uu ula jeeday in codbixiyeyaasha ismaamulka Uasin Gishu aynan codadkooda siin musharraxiinta ka soo horjeeda William Ruto.
Mithika Linturi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in markii uu arrintan ka hadlayay aynan marnaba ku soo dhicin in loo qaadan karo hurin colaadeed sidaas awgeedna uu saameyn kasta oo ka dhalatay uu si shuruud la’aan ah uga qoomamoonayo.
Qoraalkiisa waxaa uu ku gabagabeeyay inuu dhammaan kenyaanka u xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay muwaadin iyo waxgarad ahaanba ka shaqeynta midnimada qaranka , nabadgalyada iyo wadajirka bulshooyinka dalka.
Galinkii dambe ee shalay ayay ahayd markii uu agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda Nuurdiin Xaaji amar ku siiyay abaanduulaha ciidamada booliska Mr. Hillary Mutyambai inuu guda galo baaritaano ka dhan ah senatarka si loo xaqiijiyo in hadalkiisa uu ku saleysnaa xaqiraad, naceyb, cadowtinnimo , takoor iyo rabshad kicin.
Mr. Xaaji ayaa dalbaday in natiijada baaritaannada lala wadaago ka hor ama ugu dambeyn 14-ka bishan koowaad.