Kenya oo shiinaha ka heshay amaah dhan 51 bilyan oo shilin

0
779

Iyadoo dhawaan ay dowladaha Kenya iyo Shiinaha wada saxiixdeen heshiisyo gaaraya ilaa Lix ayaa waxaa soo baxaya in xukuumadda Beijing ay dalka siisay amaah lacageed oo dhan 51 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha Wang Yi ayaan faahfaahin ka bixin sida dhaqaalahan loo adeegsan doono.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Raychelle Omamo ayaa sheegtay in shirkadaha soo saaro caleenta shaaha iyo afkaadaha loo oggolaan doono inay badeecooyinkooda u iib geeyaan Shiinaha.
Bishii 11-aad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ay dowladda Kenya hakisay in afakaadaha loo suuq geeyo dalkaasi ka dib markii walaac laga muujiyay beeralay wadanka ka dhoofinaya dalaggan oo aan weli bislaanin.