Japan iyo Maraykanka oo xoojinaya xiriirkooda

0
324

Dowladaha Japan iyo Maraykanka ayaa ku heshiiyay inay sare u sii qaadaan cilaaqaadka ka dhexeya ee dhanka ganacsiga , amniga iyo gaashaan dhigga.
Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken iyo dhigiisa dalka Japan Yoshimasa Hayashi ayaa xilli ay kulan ku yeesheen qaabka fogaan aragga ka wada hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeya wadamadooda.
Waxay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan sidii loola tacaali lahaa dadaallo dowladda Shiinaha lagu eedeynayo inay ku carqaladeynayso habdhaqanka caalamiga ee siyaasadda, dhaqaalaha , difaaca iyo tiknolojiyadda.
Arrintan ayaa shaaca looga qaaday bayaan soo baxay ka dib shirka laba geesoodka ah.
Maraykanka iyo Japan ayaa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen in laga hor tago oo haddii ay dantu keentana looga falceliyo dhaqdhaqaaqyo wax u dhimaya xasiloonida gobolka.