Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya AKHRISO:Taariikh nololeedkii Eebe ha u naxariistee marxuum Maxamad Yuusuf Xaaji

AKHRISO:Taariikh nololeedkii Eebe ha u naxariistee marxuum Maxamad Yuusuf Xaaji

Alle ha u naxariistee waxaa saaka isbitaalka Aga Khan ee magaalada Nairobi ku geeriyooday senatarkii ismaamulka Garissa Maxamad Yuusuf Xaaji.
Mr. Xaaji ayaa geeriyooday isagoo 80 sano jir ah ka dib in muddo oo uu xanuunsanaa.
Sida ay xaqiijiyeen xubno ka tirsan qoyskiisa ayaa bishii Diseembar ee sanadkii hore loo duuliyey dalka Turkiga.
Waxaa uuna dalka ku soo laabtay habeenimadii Sabtida ee toddobaadkan isagoona la dhigay isbitaalka Aga Khan.
Waxaa uu ahaa guddoomiyaha guddiga dib u heshiisiinta iyo mideynta shacabka ee BBI.
Waxaa uu dhashay sanadkii 1940-kii wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo hoggaamiyay.
Alle ha u naxariistee Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa mar ahaa isku duwihii ammaanka ee gobolka Rift Valley.
Intii u dhexeysay sanadkii 2008-dii ilaa 2013-kii waxaa uu ahaa wasiirkii gaashaan dhigga ee Kenya.
Sanadkii 2012-kii waxaa uu si ku meel gaar ah u noqday wasiirkii amniga.
Sidoo kale waxaa uu xildhibaan ka soo noqday deegaanka Ijara ee ismaamulka Garissa.
Laga soo billaabo 2013-kii ilaa iyo maanta oo uu geeriyooday wuxuu ahaa senatarka aqalka sare ku matalo shacabka Garissa waxaana lagu xusuustaa in uu kaalin weyn ka soo qaatay arrimaha amniga.
Eebe ha u naxariistee waxaa u ifka ka tagay sagaal carruur oo uu dhalay.
Waxaa carruurtiisa ka mid ah agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Mr. Nuurdiin Yuusuf Xaaji.
Yuusuf Xaaji waxaa uu ka mid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee muddo dheer siyaasadda dalkani Kenya ku soo jiray.
Yuusuf Xaaji ayaa salaadda Casir ee galabta Janaasada lagu la tukan doona masaajidka Nuur ee xaafadda South C magaaladatan Nairobi.
Waxaa isla galabta lagu aasi qabuuraha muslimiinta ee Langata ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments