Guddoomiye xaafadeedyada Narok oo looga digay inay garab siiyaan gudniinka fircooniga

0
362

Guddoomiyaha dowladda dhexe u qaabilsan ismaamulka Narok Evans Achoki ayaa maamulayaasha xaafadaha ama tuulooyinka iyo ku xigeenadooda uga digay inay ka gaabiyaan la dagaalanka gudniinka fircooniga iyo guurka degdegga ah.
Waxaa uu sheegay inay jiraan mas’uuliyiin aan soo gudbin ama aan qaadin tallaabooyin ka dhan ah falalkan.
Mr. Achoki ayaa wacad ku maray in haddii guddoomiye xaafadeedka ama ku xigeenkiisa uu ka gaabiyo inuu soo sheego dhacdooyinka FGM-ka ee xaafadiisa in shaqada laga eryi doono.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in intii uu jiray cudurka COVID-19 in qaab FGM ah loo guday gabdho badan halka kuwo kalena xilli hore la guursaday.
In kastoo gudniinka gabdhaha ee noocani ah Kenya laga mamnuucay sanadkii 2011-kii , haddana waxaa uu ka dhex jiraa bulshooyin badan oo wadanka deggan.
Warbixinnada dowladda ayaa tilmaamaya in boqolkiiba 94 ee bulshada Soomaalida ay isticmaasho gudniinka fircooniga ee FGM-ka.
Waxaa soo raacda qowmiyadda Samburu oo tiradan ay tahay boqolkiiba 86 halka bulshooyinka Abagusi iyo Masaayda sida ay ugu dhaqmaan arrintan lagu kala sheegay boqolkiiba Maasai 84 iyo 78 .
Gudaha dalkani Kenya waxaa gudniinka fircooniga adeegsado 37 qowmiyadood.
Sanadkii 2019-kii ayay ahayd markii uu madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta 22 ka mid ah ismaamullada dalka oo uu ka jiro gudniinka fircooniga ee FGM-ka uu ku amray inay dhaqankan soo afjaraan sanadkan.