IEBC oo diiwaangelinaysa kenyaanka ku nool 7 waddan

0
339

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ayaa sheegay inuu diiwaangelin doono muwaadiniinta u dhashay Kenya ee ku nool dalalka kala ah Ingiriiska , Canada , Maraykanka, Suudaanta Koonfureed , Qatar, Jarmalka iyo isutagga imaaraadka.
Guddiga ayaa sidoo kale qurbajoogta dalka u qaban doono barnaamijyo wacyigelin ah oo lagu fahansiinayo muhiimadda ay leedahay inay ka qayb qaataan codeynta guud ee bisha siddeedaad ee sanadkan.
Guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati ayaa shaaciyay in sidoo kale la diiwaangelin doono kenyaanka ku sugan dalalka Burundi, Tanzania, Rwanda, Uganda iyo Koonfur Afrika.
Guddiga ayaa qorsheynaya in ka doorashada guud uu diiwaangeliyo codbixiyeyaal gaaraya 25 milyan oo qof.
Mr.Chebukati ayaa dadweynaha u xaqiijiyay inay isku diyaarinayaan sidii doorashada ay u noqon lahayd mid xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo natiijada ka soo baxdo.