Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha oo cadowga madaxweynaha ku tilmaamay dadka diiddan BBI

0
525

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Karanja Kibicho ayaa sheegay in shakhsiyaadka ka soo horjeedo geeddisocodka sharci beddelka ee BBI ay yihiin cadowga madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga ayuu sheegay in cid kasta oo mucaaradaysa hoggaamiyaha wadanka aynan isaga adeeg uga baahan karin.
Karanja Kibicho ayaa hoosta ka xarriiqay in BBI ay dani ugu jirto gobolka bartamaha wadanka iyo si guud dalka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in ilaa iyo hadda ay dowladdu daabacday 10 milyan oo ah nuqullada dokumeentiga BBI .