Kuuriyada Waqooyi oo ridday gantaal la aqoosan la’ yahay oo shaki abuuray

0
407

Kuuriyada Waqooyi ayaa ridday gantaal looga shakisan yahay inuu yahay nooca ballistic-ga kaasoo ku dhacay badda dalka Japan.
Ilaalada xeebaha ee wadanka Japan oo markii ugu horreysay ka hadlay arrinkan, ayaa sheegay in gantaalkaasi uu noqon karo nooca ballistic-ga ah balse ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah.
Mas’uuliyiinta Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa dhanka kale sheegay in markii ugu horreysay ay xukuumadda Pyongyang tijaabiso hub sanadkan cusub.
Ra’iisul wasaaraha dalka Japan Fumio Kishida ayaa u sheegay warbaahinta, in tan iyo sanadkii hore dowladda Kuuriyada Waqooyi ay si joogta ah u rideysay gantaallo, taas oo uu ku tilmaamay mid aad looga xumaado.
Wasiirka gaashaandhiga ee Japan Nobuo Kishi ayaa saxaafada u sheegay in gantaalka looga shakisan yahay in uu yahay nooca ballistic-ga islamarkaana uu jaray masaafo dhan 500 km ka hor inta uusan ku dhicin meel ka baxsan aagga dhaqaalaha ee Japan.
Taliyaha kooxda Isku dhafka shaqaalaha ee Kuuriyada Koonfureed (JCS) ayaa sheegay in gantaalka lagu soo riday dhanka bari abaare 8:10 subaxnimo ee saacadda waddamada ku yaalla waqooyiga qaaradda Aasiya.
Wakaaladda wararka ee Yonhap ee Kuuriyada Koonfureed ayaa ku warrantay in mas’uuliyiinta Kuuriyada Koonfureed iyo sirdoonka Mareykanka ay si dhaw u falanqeynayaan macluumaadka la xiriira gantaalka ay tijaabisay Kuuriyada Waqooyi.