Idriis Maxamuud Xuseen oo ah arday wax ka barta machadka caafimaadka laantiisa ismaamulka Machakos oo toddobaadyadii ugu dambeeyay isbitaal ugu jiray dhibaato ka soo gaartay weerar ay burcad ku qaadday bil ka hor xilli uu ku sugnaa waddada Juja Road ee Nairobi ayaa ugu dambeyn isbitaalka laga saaray.
Qeybta daryeelka degdegga ee ICU-da ayuu ku jiray labaatan cisho.
Waalidkiisa iyo mid ka mid ah eheladiisa oo maalmo ka hor murugsanaa ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta Star.