Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa inuu maanta gaaro ismaamulka Nakuru halka madaxweyne ku xigeenka wadanka William Ruto uu ololihiisa geynaya dowlad deegaanka Busia ee galbeedka wadanka.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Mr. Odinga uu isku soo bax siyaasadeed ku qabto fagaaraha Mazembe si uu dadka uga dhaadhiciyo ololihiisa mideynta bulshada ee Azimio La Umoja ka hor inta uunan u sii gudbin Kivumbini.
William Ruto ayaa isna taageero weydiisan doono dadweynaha Busia waxaa uuna kulamo kala duwan ku qabanayaa degmada Changara ee waqooyiga deegaanka Teso .
Ruto ayaa intaasi ka dib u soo gudbi doono suuqyada Logiri, Nambale iyo Andungosi .
Abaare 12-ka duhurnimo ee maanta ayaa la qorsheeyay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu shacabka Busia kula hadlo isgoyska Bulanda juction ee degmada Matayos isagoo 1-da duhurnimo tagi doono suuqa Murumba ee ismaamulkaasi.
William Ruto ayaa socdaalkiisa ku soo gabagabeyn doono isku soo baxyo uu ku qabanaya suuqyada Bukiri iyo Budalang’i .
Shalay ayay ahayd markii uu beeniyay in sanadkan looga guulaysan doono madaxtinimada ama ay suurtagal tahay in laga dhaco natiijada codeynta bisha siddeedaad.