DHAGEYSO:Mudanaha Fafi “Marnaba ma oggolaaneyno in si khasab ah lagu xiro xeryaha qaxootiga ee Dadaab”

0
344

Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Fafi ee ismaamulka Garissa Cabdikariin Cismaan oo la hadlay warbaahinta Star ayaa sheegay in marnaba aynan oggolayn in si khasab ah lagu xiro xeryaha qaxootiga ee Dadaab iyadoo aan sharci loo marin tallaabadaasi.
Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in bishan dhexdheeda aqoonsiga qaran ay heli doonaan kenyaanka ka soo jeedo Dadaab,Fafi iyo Koonfurta Wajeer ee horay iskaga diiwaangeliyay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga ee UNHCR.
Mudanaha ayaa tilmaamay inuu meel wanaagsan marayo barnaamijka dadkaasi looga saarayo faraha qaxootiga.