Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha oo maanta Kenya soo gaaraya

0
333

Waxaa la filayaa inuu maanta dalka safar rasmi ah ku yimaado wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee wadanka Shiinaha Wang Yi
Mas’uulkan ayaa Kenya ku sugnaan doono labo cisho iyadoo la rajeynayo in labada dowladood ay saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo ay ku xoojinayaan iskaashigooda.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Yi uu berri madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House kulan kula qaadan doono madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Bayaanka wasaaradda waxaa ku cad in socdaalka mas’uulkan uu qayb ka yahay sii xoojinta cilaaqaadka laba geesoodka ah iyadoo la dhaqangelinayo qodobbadii ka soo baxay shirweynihii 8-aad ee intii u dhexeysay 28-kii ilaa 30-kii bishii November ee sanadkii hore lagu qabtay magaalada Dakar ee wadanka Senegal.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa berri kulan la qaadan doono Ambasadoor Raychelle Omamo oo ah wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya oo ay weheliyaan mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda.
Kenya iyo Shiinaha ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo dhanka horumarinta kaabayaasha ah.
Shiinaha ayaa dowladda dalka ka taageero mashaariic badan oo dhanka gaadiidka iyo waddooyinka ah.
Sidoo kale waxaa uu Kenya siiyaa lacago amaah oo ay u adeegsato barnaamijyada horumarineed.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa qaaradda Afrika ku sugnaan doono ilaa 7-da Jannaayo.
Sidoo kale Wang Yi ayaa booqan doono dalalka Eritrea iyo Comoros ka hor inta uunan u sii gudbin Koonfurta qaaradda Aasiya gaar ahaan waddamada Maldives iyo Sri Lanka.