Xisbullah oo Sacuudiga ku eedeysay argagixisannimo

0
798

Xoghayaha guud ee ururka Xisbullah ee dalka Lubnaan Xasan Nasrallah ayaa boqortooyada Sacuudi Carabiya ku eedeyay argagixisannimo.
Waxaa uu sheegaya in xukuumadda Riyaadh ay dalkaasi ku dirqinayso caqiidada kooxda isku tilmaanta khilaafada islaamiga ee ISIS.
Nasrallah ayaa ku andacoonaya inay jiraan baabuur laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu Sacuudigu gaynaya dalka Ciraaq.
Hasa ahaate boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaan weli ka jawaabin eedeyntan culus ee uga timid xoghayaha guud ee dhaqdhaqaaqa Xisbullah ee wadanka Lubnaan Xasan Nasrallah