Laamaha ammaanka ee dalka ayaa gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka Netherlands oo looga shakisan yahay in uu madax u yahay urur caalami ah oo dadka tahriibiya.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo John Habeta, oo 53-jir ah, asal ahaan ka soo jeeda wadanka Eritrea, ayaa lagu xiray gudaha Kenya, ka dib howlgal qarsoodi ah oo ay sameysay agaasinka waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Tallaabada eedeysanahaan lagu soo xiray ayaa daba socotay ka dib diginin uu soo saaray booliska caalamiga ee INTERPOL.
Waxaa lagu xiray magaalada Nairobi halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay muddo aan la cayimin, ka dib howlgal si wanaagsan loo agaasimay oo iska kaashadeen mas’uuliyiinta Netherlands iyo dambi baarayaasha dalka.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa aaminsan in Mr.John Habeta uu madax u ahaa hay’ad caalami ah oo dadka tahriibisa oo si sharci darro ku shaqeysa.
Waxaa ay intaa ku dartay in eedeysanaha iyo kooxdiisa ay dadka si sharci darro ugu kala safrinayeen Afrika ilaa Yurub.
Xarunta dhexe ee booliska caalamiga ee INTERPOL ayaa ogeysiinaysa in Kenya aysan ahayn goob gabaad u ah dadka sida sharci darrada wax u tahriibiya.
Muwaadinka u dhashay dalka Holland ayaa lagu wadaa in lagu maxkamadeeyo wadankiisa Netherlands.
A man who has been on the run for four years for operating an international human smuggling syndicate, is currently behind bars in The Netherlands. John Habeta, 53, a Dutch national of Eritrean descent was arrested in Kenya following a covert operation by DCI detectives, pic.twitter.com/fEDc72Uvzw
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) January 3, 2022