Dowladda Iiraan ayaa qaramada midoobay ka codsatay inay tallaabo sharciyeed ka qaaddo Maraykanka oo ay xukuumadda Tehraan ku eedeynayso inuu ka dambeeyay dilkii taliye sare Qassem Soleimani oo dhacay labo sano ka hor.
Waxaa uu sarkaalka la dilay xilligaasi hoggaaminayay ciidamada Quds Force ee kacaanka (IRGC).
Qassem ayaa laga takhalusay xilli uu ku sugnaa caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdad oo uu u joogay howlo dibloomaasiyadeed.
Xilligaasi ayaa la sheegay in baabuur kolonyo ah oo uu la socday ay burburiyeen gantaallo ay soo tureen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.
Waaxda arrimaha sharciga ee madaxtooyada Iiraan ayaa warqadda ay u qortay jimciyadda qurumaha ka dhexeysa ku sheegtay inay dalbanayso tallaabo wax ku ool ah sidoo kalena in QM ay soo saarto qaraar ay ku cambaareynayso dowladda Maraykanka .
Dalabka dowladda Iiraan ayaa ku soo aadaya saacado ka hor inta aan berri la xusin sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegatay dilkii Qassem Soleimani.