Shacabka Mombasa oo la siinaya irbad xoojinaysa tallaalka COVID-19

0
774

Wasaaradda caafimaadka ee dowlad deegaanka Mombasa ee gobolka xeebta ayaa billowday in dadka qaatay dawooyinka tallaalka ee ka dhanka ah caabuqa corona ay siiso irbad xoojinaysa difaaca jirkooda.
Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada wax looga qabanaya cudurka COVID-19 oo weli ku sii faafaya gudaha Kenya.
Sarkaalka ugu sarreeysa ismaamulka Mombasa dhanka caafimaadka guud Pauline Oginga ayaa sheegtay in irbadda la siinayo dadka markii labaad qaadatay tallaalka corona 6 bilood ka hor.
Mrs.Oginga ayaa hoosta ka xarriiqday in qaadashada irbaddan aynan wax saameyn ku lahayn jirka sidaas awgeedna dadweynaha laga doonayo inaysan walaac ka muujin.
Dowladda hoose ee ismaamulka Mombasa ayaa horay u qorsheysay inay tallaalka COVID-19 siiso 402,000 qof balse waxaa ilaa iyo hadda dawoyinka qaatay 292,000
200,000 qof oo tiradan ka mid ah ayaa hal mar ah helay tallaalka halka 92,000 kale si buuxda looga tallaalay cudurka.