DHAGEYSO:Mashruuca biyo-xireenka Thwake oo la dhameystiray boqolkiiba 65

0
864

Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo ismaamulka Makueni ee bariga wadanka Maxamad Macallin ayaa sheegay in hirgelinta mashruuca biyo-xireenka Thwake la dhameystiray boqolkiiba 65.
Waxaa uu intaasi ku daray in lacag dhan 45 milyan oo shilin loo qoondeeyay in lagu iibiyo dhul dhan 60 eekar si mustaqbalka mashruucan loo sii ballaariyo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in bisha Lixaad ee sanadkan la dhameystiro wajiga koowaad ee barnaamijkan.
Mr.Maxamad Macallin ayaa carrabka ku adkeeyay in ka dib marka mashruucan la dhameystiro ay shaqo abuur heli doonaan qaar ka mid ah dadka dowlad deegaankaasi